Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan, ayaa safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan gobolada lagu muransan yahay ee Sool iyo Sanaag, halkaas oo ay isku hayaan maamulka Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbaannanida ee Somaliland.
Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamig ah Jamaal Xasan ayaa sheegay in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soo dhageystay warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, iyadoo ka dibna u sii gudban Gobalka Sanaag.
Wafdiga uu horkacayo Wasiirka ayaa xalay waxa ay ku hoydeen Degamada Badhan halka maantana ay gaareen deegaanka Dhahar.
Hase yeeshee booqashada Wasiirka Qorsheyna iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee uu kutagay gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ka soo horjeestay maamulka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in socdaalka Wasiirka uu qalqal gelinayo xiriirka ay labada dhinac leeyihiin,wuxuuna dhanka kale sheegay iney ku dambeyn doonto iska hor imaad waa sida uu sheegaye.
“Runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub arrinkaasina wuxuu khal-khal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona..”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire
Booqashada uu ku tegey goboladaas Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa noqoneysa booqashadii ugu horreeyay oo uu Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka ah ku tago deegaannadaas muddo 30 sanno ah.
HM