Garoowe ( HM ) Allaha u naxariistee waxaa Cisbitaal ku yaala dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday wasiirkii Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijyay geerida wasiir Xoosh iyagoona alle uga baryay in uu janadii fardows ka waraabiyo.
Wasiir Xoosh ayaa lagu soo waramayaa in uu maalmihii ugu dambeeyay xanuunsanayay isagoona daaweyn caafimaad u joogay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa kamid ahaa wasiirada ugu faca weyn xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya isagoona mudo badan kasoo shaqeeynayay xilalna kasoo qabtay dowlada dhexe ee dalka.