WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda oo kulan gaar ah la qaatay James Swan

By xuseen waashitoon

December 15, 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan miro dhal ah la qaatay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan, iyagoo ka wadda hadlay shaqooyinka socdo ee u dhaxeeya UNSOM iyo wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya.

Kulanka oo u dhacay si saaxiibtinimo oo loona wadda hadlay si hufan ayaa waxaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ku wehliyey kulanka Lisa Filipeto, Madaxa UNSOS, Marwo Kirsten Young, Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka (KIXI-HRPG), S/Guuto Papa Ngom, Lataliyaha Sare Ciidanka UNSOM iyo Marwo Adelina Urmanova, Kaaliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee UNSOM.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ka dalbaday inay joojiyaan taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka.

Kulanka waxaa wasiirka Gaashaandhigga ku weheliyay agaasimaha guud Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan M. Saciid Samantar “Gacaliye” iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda, Cali Aadan Xasan.