WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Amniga oo shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Dowladda

By xuseen waashitoon

April 27, 2022

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shegay inuu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cabdullaahi Maxamed ayuu ku Taliye Xijaar ku eedeeyay  inuu “si bareer ah ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka, waa sida ku xusan warqadda xilka qaadista taliyaha ee kasoo baxday wasiirka.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Boolisku si bareer ah uu iskugu dayay in uu u hor istaago doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee loo balansanyahay maanta oo ah 27 April 2022.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaan sharci u laheyn inuu shaqo joojin ku sameeyo Taliyaha Ciidanka Booliska, maadaama Taliyaha uu soo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Amniga