WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Amniga oo ka hadlay Dad laga joojiyay Banaanbax lagu taageerayey Rooble

By xuseen waashitoon

December 29, 2021

Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa is hortaag ku sameeyay banaanbax lagu taageerayay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya loogana soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka aniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyay in lasoo gaarsiiyay cabasho ka dhan ah hay’addaha amniga gaar ahaan booliiska oo waxyeelo u geestay masuuliyiin iyo dad ka qeyb galayay banaan bax nabadeed.

Waxa uu sheegay wasiirka amniga gudaha in baaritaano lagu sameyn doono cabashada lasoo gaarsiiyay ee ku aadan in ciidamada booliiska dhibaato u geesteen dad shacab ah iyo masuuliyiin qeyb ka ahaa banaan baxa.

”Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed, waxaana lagu samayn doonaa baaritaan sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Wasiirka amniga gudaha ayaa cadeeyay in aan marnaba la aqbali doonin in saraakiisha hay’addaha amaanka ku kacaan falal xadgudub ah, waxa uuna shacabka ugu baaqay in dhankooda ilaaliyaan xasiloonida .