WARARKA SOOMAALI

Wasiiradii Difaaca ee dalka Jarmalka oo si lama filaan ah isku Casishay

By xuseen waashitoon

January 16, 2023

Christine Lambrecht oo ahayd Wasiirka Difaaca ee dalka Jarmalka ayaa waxay maanta si rasmi ahaan ugu dhawaaqday Is-casilaadeeda.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la hadal-hayey inay iska casili doonto xilkaasi oo ay haysay tan iyo bishii December ee sanadkii 2021-kii.

Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee CDU ayaa horey ugu baaqay in Wasiir Christine Lambrecht ka degto Xilkaasi sababo la xiriira Arrimaha dalka Ukraine.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa waxay Jimcihii la soo dhaafay soo weriyeen in Wasiirada Difaaca loo baahan yahay inay ka degto Xilkaasi, kadib, markii ay Fariin ku aadan Sanadka cusub oo ay soo dhigtay Baraha Bulshada.

Dhaleecayn xoogan ayaa laga keenay Fariinteeda oo ay ku xustay Dagaalka Ukraine, iyadoo codkeeda ku hoos duubtay Shanqarta Rasaasta oo ay  (background) uga dhigtay