WARARKA SOOMAALI

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Ruushka iyo Ukraine oo Maanta kulmaya

By xuseen waashitoon

March 10, 2022

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Mowliid Jaawish Oglu iyo dhigiisa Ukraine Demetro Kuliba ayaa kulmay ka hor shirka sadex geesood ah oo u dhexeeya Ruushka, Ukraine iyo Turkiga oo ka dhici doona maanta magaalada Antalya ee dalkaas.

Turkiga ayaa wada dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Ruushka iyo Ukraine si loo joojiyo dagaalka ka socda dalka Ukraine oo bilowday 24 bishii hore ee February.

Kulankan ayaa si weyn loo dhowrayaa maadaama uu yahay kii ugu horeeyay oo ay isku arkaan mas’uuliyiin heerkooda sareeyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Serge Lavrov iyo dhigiisa Ukraine ayaa is fool ka fool ah u kulmi doona markii ugu horeysay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka ee Ukraine.