WARARKA SOOMAALI

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somalia oo Maanta loo doortay Xildhibaan

By xuseen waashitoon

January 19, 2022

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa ka dhacday doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed

Doorashada kursiga Hop184 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Cabdi Cusmaan, balse waxaa ku tartamay Xasan Cabdinuur Cabdi iyo Maxamed Cabdulaahi Cali ayaa ku guuleystay Xasan Cabdinuur oo Wasiirka Tamarta Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in Xasan Cabdinuur Cabdi uu helay Codod gaaraya-72 cod halka Musharaxii la tartamayay eeĀ  Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod.

Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana la guda galay doorashada kursiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maanta.