WARARKA SOOMAALI

Warbixin Murugo leh Buuhoodle iyo Deegaanada ku xeeran“Dadku waxay Dalbanayaan Biyo Daawo iyo Cunto,,

By A. Hindi

April 20, 2017

Iyadoo ay marba marka ka danbayso ay kii dar mooyaane aysan ka soo rayn lahayn xaaladda adag ee ka taagan guud ahaan Magaalada Buuhoodle ee Gobalka Cayn iyo Deegaanada ku xeeran hadana ubucdu iyo barta uu ka taagan yahay Xanuunka iyo halista ay ku sugan yihiin Dadku waa Buuhoodle oo xaalkeedu meel adag marayo.

Waxaan warbixinteenan ku eegi doonaa wararkii ugu danbeeyay ee ugu yaraan ilaa sadex deegaan oo ay ku jirto magaalada Xudunta ah ee Buuhoodle iyo xaaladda Dadkaas ay ku sugan yihiin waxay dalbanayaan.

Magaalada Buuhoodle saan wada ogsoonahay waxaa fara kulul ku haya xanuunka Shuban Biyoodka oo marba marka ka danbeysa ay kasoo daraya halistiisa isla markaana ay sii kordhayso Dadka uu soo ridanayo Xanuunku kuwa u dhimanayo iyo kuwa ka kacayaaba waa jiraaan.

Deegaanada ugu daran waa Buuhoodle.Dandan Xamar-laguxidh Marqaan weyne iyo Farjano.sidoo kale waxaa jira deegaano badan oo gudaha Fog ugu jira kililka shanaad ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu xanuunku fara kulul ku hayo.

Xanuunka oo sii faafiya,Dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee Dadka,hadana ma odhan karno Gurmad ma jiro,waa la gurmanayaa Haday tahay Qurba joog Maamul iyo Shacab Dhalinyaro cid kasta balse xaaladu waa mid ka awood badan dhamaan Gacmahaas oo waxay u baahan tahay mar kasta Awood iyo Daawo iyo Cunto Gurmad ka awood badan ka socda.

Dhakaatiirta iyo kaaliye,yaasha Caafimaadku waa kuwo dadaalaya oo Rucle orad dheeri ah iyo dadaal haar la,aaneed ugu jira bad baadinta Shacabkooda balse nasiib daro Xanuunka iyo xaaladda baahiyeed ee taagan waa mid ka awood badan.

Dhalinyarada Qurba-joogta iyo Maamulkuba waa kuwo dadaalaya oo Daawo,Biyo iyo Cunto raadinteeda iyo raacdededa ku jira goor iyo ayaan hadana awood dheeriya ayey dalbanayaan mar kasta waxaa soo kordhaysa xaaladda iyo dhibka horta leh ee xanuunka iyo Dadka horta leh ee soo galaya Goobaha caafimaadka.

Dadka ka baxaya ma jiraan goobo ay ku laabtaan waayo dhacdooyinka xanuunka badan ee Warbixintu ay daaha fadayso waxaa kamid Aabe Shan Carruur ah oo uu dhalay iyo Hooyadood Miyi ka soo qaaday qaar jidka kusoo dhinteen intii kalana Iyaga oo Biyo iyo Cunto Dalbanaya ay Geeriyoodeen,waxaa kale oo ay warbixintu leedahay Dadka hadiiba ay daawo iyo Caafimaad helaan xagee ayey ku laabanayaan Sababta oo ah Xoolihii waa kuwo mar hore dhaafay ma haystaan Hoy ay ku laabtaan Dadkii ay la soo tageen qaar waa dhinteen inta hadhay ma jiraan Hoy iyo Goob ay kula laabtaan taasna waa dhacdo xanuun badan oo kale!.

Dadku maxay dalbanayaan? Dadku marka koowaad waxay dalabanayaan Biyo iyo Cunto Marka xigta Daawo iyo in nafahooda la bad baadiyo,jeerka sadexaadna waxay dalbanayaan in ay helaan hoy iyo meel ay dhaxanta iyo Qoraxda kulul ka galaan.sidoo kale dadkan waxay dalbanayaan Hu ama dhar ay xidhaan maadama waxay wateen ay ku xanuunsadeen qaarna ayba uga soo tageen dhul masoofo ahaan aad uga fog deegaanka.

Warbixintu Dhimashada Dadka tiro ahaan xog uruurinta ay samaysay daaha kama wado qaadi karto sababto ah waxaa jira deegaano aan lahayn isgaadhsiin balse ay Dad ku dhimanayaan waxaa kamid ah Degmada Marqaan Heegeele,Burburis,Aangalo,jarmal iyo Qaawane.Deegaanaas sida ilo aanu dirqi ku helnay noogu soo waramayaan Dhimashada Deegaan kasta waxaa la gaadhsiinayaa Tirada inta u dhaxaysa 45,15,10,9,iyo 5.Dadkuna waxay dalbanayaan Gurmad deg deg ah.

Hadaba maxaa la gudboon Dadka akhrisanaya warbixintan? Waxaa dhamaanteen inala gudboon walalayaal in aanu maanta kacno oo Jeebka gacanta galino xaafadaha galno Dadkaas waan awodana in aan Biyo Sifeysan iyo Daawo iyo Cunto ugu horeyn la gaadhno waaa wax aad looga xumaado walalkaa oo Leh,,walal waxaan u baahanay Biyo iyo wax aan Cuno,,in aan qadayno oo casheyno oo Quraacano waa Foolxumo in aan is bad baadin wayno mana lihi Dadku waxba ma qabanayaan balse wlalayaal Fadhiga aan ka kacno Dadkeena inta aan aragno ee aan Gurmadka gaadhsiinayno waxaa kasii xanuun iyo Uur ku taalo badan kuwa aan Isgaadhsiinta lahayn ee Geeri iyo Gaajada iyo Haraadka Xanuunka Dariska la ah una Diyaarka ah in ay dhintaan uun madama aysan haysan Cid Codkooda maqlaysa oo Gurmad usoo fidin karta waxaa maanta la rabaa indhihii Dadkaas qaban lahaa in ay noqdaan enaga.

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Xasan Cadde #Gurmadwalalnimo.