WARARKA SOOMAALI

Waraysi:-Xisbigii Mukhtaar Roobow oo loo diiwaan galiyey ka qayb galka Doorashada isagoo xidhan.

By Abdi rashid

October 08, 2020

Muqdisho ( HM)-Xisbiga Amniga iyo Caaladda oo Gudoomiye uu ka yahay Sheikh Mukhtaar Roobow oo DFS u xidhan, ayaa hadana Gudiga Doorashooyinku ay Gudoonsiiyey Shahaadada is diiwaan gelinta ee Xisbigaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Yuusuf Xasan Mursal oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbigan ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow lasii dayn doono marka uu dhamaado Muddo Xileedka Madaxwayne Farmaajo.

“Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo xisbiga Amniga iyo Cadaalada waxaa jiray Khilaaf muddo soo socday, waxaana hakad galay wadashaqayntii, Balse markii dambe waxaa laga wada fadhiistay waxyaabihii Khilaafka keenay, waana lagu guulaystay”.

“Waxa la isku haystay wuxuu ahaa Arimo aan ku jirin Shuruudaha Xisbiga lagu diiwaan geliyo”.

“Mukhtaar Roobow wuxuu kamid ahaa Musharixiintii u istaagay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, wuxuuna muddo ku sugnaa Muqdisho, Shacabka koonfurgalbeed oo dhan ayaa taageeray, DFS markay dareentay in Mukhtaar ku yahay khatar siyaasadeed, ayay weerar ugu qaaday, iyadoona soo afduubtay , iyadoo adeegsatay ciidamo itoobiyaan ah.” Ayuu yidhi Yuusuf Xasan Mursal.

“Mukhtaar Roobow Umadda Reer Koonfur Galbeed oo dhan buu hogaamiye u yahay , ee maaha keliya Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, Marka ay timaado Xadhiga, waxaan u aragnaa mid aan marnaba loo dhaqaaqin in wax laga qabto, laakiin waxaan kuu sheegayaa wuxuu ku egyahay Maalinta madaxwayne Farmaajo xilkiisu ku egyahay, Markaa kadib Xadhigiisu ma jiri doono”. Ayuu yidhi Yuusuf Xasan Mursal.