WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Weerar lagu laayay Dad Falastiiniyiin ah oo dhacay

By xuseen waashitoon

January 26, 2023

9 Falastiin ayaa ku dhintay oo ay Haweeney da’ ah ka mid tahay, halka ay 16 kalena ku dhaawacmeen oo 4 ka mid ah xaalladooda aad u liidato, kadib, markii ay Askarta Israel Weerar geysteen magaalada Jeniin iyo Xerada Qaxootiga Jeniin ee Daanta Galbeed ee dhulala La-haysto ee Reer Falastiin.

Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa sheegtay inay Askarta Israel rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa la beegsadeen Dhallinyaro ku sugnayd Jenin iyo Xerada Qaxootiga ee Deegaanka.

Dhallinyarada Falastiiniyiinta ee ku dhimatay  Iska-horimaadka askarta israel waxaa ka mid ahaa: Saa’ib Maxamuud Asrayqi oo 24 jir ah iyo Cisadiin Yaasiin Saalaxaat oo 26 jir ahaa.

Dhacdadaasi ayaa waxaa ay kaloo Askarta Israel ku dhaawaceen in ka badan 16 Dhallinyaro Reer Falastiin, kuwaasi oo ay rasaasta ka haleeshay Garabka, Laabta, Caloosha iyo Lugaha.

Dhaawacyada waxaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Dowladda ee Jeniin iyo Isbitaalka Ibnu Siinaa.

Askarta Israel waxay Korantada ka jireen Xerada Qaxootiga ee Jeniin, waxay Kooxaha Gurmadka Caafimaadka iyo Weriyayaasha u diideen inay u gudbaan magaalladda Jeniin, iyadoo ay Askarta toos u rasaaseeyeen Gaari Ambalaas ah.