WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Taliye oo lagu dilay Garoowe & xiisada oo kasii dartay

By xuseen waashitoon

May 22, 2023

Wararka aan ka heleyno magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Sarkaal ciidan oo horey usoo noqday taliye ku-xigeenkii ciidanka ilaalada ee Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Bashir ee magaalada Garowe la dilay.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Xayle Carabay Xiireey ayaa la tilmaamay inuu u geeriyooday rasaas xoog leh oo ay ku fureen maleyshiyaad ka amar qaata siyaasiyiinta diidan doorashada Puntland ee mucaaradka ku ah Madaxweyne Deni.

Xiddige Xayle Carabay ayaa la sheegay xilliga uu falka uu dhacay inuu ku sugnaa aagga garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, mana jirto wax faahfaahin oo laga helayo dilkiisa.

Meydka marxuumka ayaa la galiyay talaagad taalay isbitaalka weyn ee magaalada, halkaasoo hore ay ugu sii jireen laba askari oo todobaadkii hore u geeriyooday kiiskan oo kale, waxaana in la aaso meydadkan diiday eheladooda uu maamulka madaxweyne Deni.

Caasimada Puntland ayaa waxaa maanta ka jirta xiisad kacsanaan ah, iyadoo marba marka ka dnabeysa ay waji horleh sii yeelaneyso xiisada salka ku heyso muranka doorashada golayaasha deegaanka ee maamulkaasi ee loo madlan yahay 25-ka bishan.