WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Shil khasaaro badan dhaliyey oo ka dhacay Puntland

By xuseen waashitoon

July 19, 2022

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo fiidnimadii xalay ka dhacay Laamiga u dhexeeya degaannada Laasa-dawaco iyo Carta oo ka tirsan degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Shilka ayaa ka dhashay laba gaari oo isku dhacay, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 12 qof oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn, sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiisha Taraafikada Puntland.

Dadka ku dhaawacmay shilkaas ayaa loo qaaday isbitaalka degmada Carmo ee Gobolka Bari halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay qaar kamid ah dadka deegaanka oo goobta tegay.

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada waddooyinka Puntland oo goobta tegay ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan wixii sababay shilka, Puntland ayaa waxaa muddooyinkii dambe deegaanadeeda kusoo badanayey shilalka.