WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

August 31, 2022

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo watay Bastoolad oo fiidnimadii xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Baanbeyda Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ku warrameen in Sarkaalka la toogtay, xilli uu kasoo baxayay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha, waxaana marka hore soo gaaray dhaawac halis ah oo keenay in loola cararo Isbitaal, balse markii dambe ayuu Isbitaalka ku dhintay.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ibraahim Ciid oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed, waxaana goobta uu falka ka baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas oo aan heyntooda la garan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sida caadada aheyd goobta gaaray, iyagoona sameeyay howlgal lagu baadi goobayay kooxihii dilkaas u geystay Marxuum Cabdi Ibraahim, mana jirto cid loo qabtay falkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho, habeen ayaa waxaa degmada Kaaraan qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Siyaasadda ee Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.