WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo lagu weeraray Hotel ku yaalla Kabul

By xuseen waashitoon

December 13, 2022

Weerar ku bilowday qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa waxaa lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed.

Afhayeenka Xukuumadda Taliban Zabihullah Mujahid ayaa waraabinta u sheegay in la dilay saddex kamid ahaa dadkii weerarka soo qaaday, xilli uu weerarka socday saacado badan, hayeeshee ugu danbeyn lasoo afjaray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in qaraxyo iyo rasaas la is weydaarsaday, sawiro iyo muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaana muujinayey qiiq ka baxayay dhismaha hotelka, laba qof oo ajnabi ah ayaana ku dhaawacmay weerar.

Isbitaalka degdega ah ee magaalada Kabul ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in qarax iyo rasaas ay ka dhaceen meel ku dhow hotel ku dhawaad hal kiilo mitir u jira. “Ilaa hadda, waxaan helnay 21 dhaawac ah – 3 ayaa mar hore dhintay.”

Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse kooxda xiriirka la leh Daacish – ee loo yaqaan dowladda Islaamiga ah ee gobolka Khorasan iyo kooxda ay xafiiltamaan ee Taliban ee Afganistan maamusho – ayaa kordhisay weerarradeeda.