WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Muqdisho

By xuseen waashitoon

March 02, 2023

Faah faahino ayaa laga helayaa qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta ka kala dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir ee Gobolkaan Banaadir, waxaana qaraxyada dhacay ay ahaayeen kuwo miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ah.

Qaraxa koowaad ayaa waxa uu goor hore oo saaka ah uu ka dhacay goob ay fariistaan ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaan Minashiibiyada oo taalla degmada Kaaraan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay oo gaaray Askar goobta ku sugneyd  iyo dad shacab ah oo marayay wadada,  sidoo kale waxaa burbur xoog leh uu gaaray dhismayaal ku dhow goobta uu qaraxu dhacay.

Sidoo kale qarax kale oo miino ah ayaa barqadii maanta oo khamiis ah waxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla degmada  Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, lama oga khasaaraha ka dhashay.

Amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa  sii xumaaday, waxaana  sii kordhaya dilalka qorsheysan  oo ay  geystaan rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Askar dowladda oo shacab ah ku bilaabay inay si micno darro ah isaga dilaan.