WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo iyo weeraro xoogan oo ka dhacay Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 16, 2022

Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa qaraxyo iyo weeraro toos ah ay Al-shabaab ka geysteen degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, Xaafada Daaru Salaam, degaanka Calamada iyo Ceelasha Biyaha oo dhamaantood ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Weerarka Koowaad ayaa ka dhacay degmada Kaxda kadib markii Al-Shabaab ay Saldhiga degmada Kaxda ku qaadeen weerar ku billowday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana Saldhiga degmada ka dhacay dagaal culus.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay in muddo ah la wareegeen Saldhiga degmada Kaxda, isla markaana ay dab qabad siiyeen qeyb kamid ah Saldhiga, iyaga oo ka qaatay laba gaari oo nooca dagaalka ah, waxaana jira khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dhinaca kale weerar qarax ah & dagaal toos ah  ayaa lagu weeraray saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Daaru-salaam ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo siweyn looga dareemay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale jira qarax lagu weeraray guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Degmada Huriwaa Axmed Nuur Adeeroow.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Bartiisa Facebook ku daabacay in Al-Shabaab ay xalay abaare 1:00am weerar kusoo qaadeen daafaha magaalada Muqdisho, balse ciidamada amniga ay iska difaaceen, isaga oo sheegay in  faahfaahinta Shacabka la  lawadaagi doonaan dhawaan ciidanka Booliska Dalka.

Dadka kunool Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ay dareemeen cabsi xoogan intii dagaalada iyo qaraxyada socdeen, iyada oo sirasmi ah loo heyn dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalads iyo qaraxyada ka dhacay Magaalada Muqdisho.