WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 21, 2023

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo barqanimadii Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Kuliyada Jaalle Siyaasad ee Degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda, waxaana gaariga la qarxiyay la socday Gaashaanle Sare Maxamed Daahir oo ahaa taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

Gaariga ayaa waxaa uu qaraxu ku qabsaday, xilli ay marayeen wadada Kuliyada Jaalle Siyaasad, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal, waxaana jugta qaraxa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa ka badbaaday Taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka ee ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Daahir,  qaar kamid ah ilaalada la socday Taliyaha ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxaan ay ku dhinteen 2 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Waa qaraxii labaad ee muddo 24 saac gudahood ka dhacay caasimada, waxaa kii u dambeeyay uu shalay ka dhacay agagaarka Zoobe, kadib gaari lagu soo xiray qarax uu ku qarxay afaafka hore ee Isbitaalka Aadan Cadde oo ku yaalla Laami yaraha Zoobe.