WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Halgan & Taliye lagu dilay

By xuseen waashitoon

January 16, 2023

Qof Naftii haliga ah oo kaxeeynayay gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarxaya ayaa isku qarxiyay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa Is-miidaaminta ah oo dhacay iyada oo lagu jiro saaladdii Subax ayaa ka dhacay aga-gaarka xaruun aay deganaayeen ciidamada Dib-u-xoreynta, isla markaana dhacda faras magaalada Halgan.

Inta la xaqiijiyay Taliye ku xigeenka CID -da Saldhigga Booliska Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, waxaana dhaawac uu soo gaaray hal qof oo kamid ah ciidamada Dib-u-xoreynta.

Ma jiro wax khasaare kala ah oo ka dhashay qaraxaasi ama wax yeelo kale soo gaartay dadka shacabka ah ee Halgan deggan.

Ciidamada amniga oo gaariga qaraxa lagu fuliyay oo NOHA ahaa ka arkay goob fog ayaa rasaas hugiyay taasi oo keentay in qofkii gaariga qaraxa lagu fuliyay waday uu halkiisa isku qarxiyo, isaga oo aan gaarin taliska ciidamada dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Qaraxyo Is-miidaamin ah oo geystay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka kala dhacay degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaas dhacay.