WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka GB oo Qarax lagu dilay

By xuseen waashitoon

August 30, 2022

Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Macallin Xuseen Filla-wayne ayaa waxaa xalay lagu dilay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray, kaasi oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa loogu xiray gaariga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Buula-maaxaay ee degmada Kaaraan, waxaana mar qura qaxay gaariga uu watay Guddoomiye Macallin Xuseen Filla-wayne oo ku dhinta qaraxa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey inuu qaraxa ku dhintay Macallin Xuseen, waxaana burbur xoogan gaaray gaariga la qarxiyey.

Maryan Maxamed oo ah marwada marxuumka geeriyooday ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa guddoomiyaha gaarigiisa loogu xiray  xilli uu ka soo baxay xaafadda, gaar ahaan gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dilka loo geystay guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee degmada Yaaqshiid ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.