WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Mas’uul caawa lagu dilay Degmada Afgooye

By xuseen waashitoon

December 17, 2022

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa caawa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Guddoomiyihii dhallinyarada degmadaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaaji Xasan, sida uu xaqiijiyay Maamulka degmadaas Afgooye.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay waaxda Xaawo-waako ee Afgooye oo uu Guddoomiye Waaxeed ka ahaa Maxamed Xaaji Xasan  oo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dmbeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka degmada ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, isal markaana ka qaaday meydka marxuumka, sidoo kalena sameeyay howlgal baaritaano oo lagu baadiyay kooxihii dilay Guddoomiyihii dhallinyarada Afgooye.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Afgooye ahna duqa Magaalada Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Waaxda Xaawa-Taako Marxuum Maxamed Xaaji Xasan oo kooxo hubeysan ay dileen.