WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

March 09, 2022

Kooxo Bastoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Laabeeriya ee degmada Waaberi ku dilay nin la sheegay in uu ka tirsanaa shaqaalaha waaxda canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Kooxaha hubeysan ayaa goob shaaha laga cabo ku toogtay Cilmi Xaaji Leged oo ka tirsanaa Saraakiisha Canshuuraha qaabilsan, kooxda dilka gesatay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsatay.

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Nabad Sugida oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgalo aan lagu guuleesan in lagu soo qabto ragii dilka ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilla loo geesanayay dad shacab ah iyo shaqaalo katirsan dowladda, inta badan ragii dilalkaasi geestay ayaana ka baxsaday gacanta laamaha ammaanka.