WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Khasaaro xooggan oo Al-shabaab lagu gaarsiiyey Dagaalkii shalay

By xuseen waashitoon

October 10, 2022

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac aad u badan ayaa ka dhashay Dagaal qaatay saacado badan, kaasi oo Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Jicibow, oo duleedka ka ah degmada Buulo-burte, isla markaana waxaa uu ka bilowday weerar Shabaabka ku qaaday Saldhig deegaanka ay ku lahaayeen macwiisleyda iyo Ciidanka dowladda.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Buulo-burte Maxamed Shiine oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaalkii dhacay Al-shabaab lagu gaarsiiyey khasaaro lixaad leh, lagana dilay 100 dagaalame, halka kuwo kalena la qabtay.

Maxamed Shiine ayaa tilmaamay in marka hore Shabaabka lagu go’doomiyey deegaanka Jicibow, xilli ay doonayeen inay ka talaaban jiinka webi ay markii hore ku imaadeen doomo, isla markaana lala galay dagaal aad u culus.

Kooxda Al-Shabaab ayaa damacoodu ahaa in ay kala gooyaan labadda magaalo ee Beledweyne iyo Buula-burde, sida ay xog ku bixiyeen saraakiisha ciidamada dowladda.