WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

December 21, 2022

Rag hubeysan oo watay bastoolado ayaa xalay degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir ku dilay nabaddoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xirsi Cali Diirshe, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in nabaddoonka la dilay, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee xalay, waxaana markii dambe goobta ka baxsaday raggii hubeysnaa ee dilka khaarijinta ah fuliyay.

Ciidamada ammaanka degmada Hiliwaa ee ka howlgala ayaa dilka kaddib gaaray goobta lagu dilay nabaddoonka, mana ku gulesan ciidamada amniga in gacanta kusoo dhigaan ragii dilkaasi geestay.

Nabaddoonka la dilay ayaa la sheegay in uu deegaan ahaan kasoo jeedo magaalada Cadaado, lamana oga ilaa hadda dambiga uu galay oo loo beegsaday nabaddoonkan oo dadkii yaqaanay sheegeen in uusan ku lug laheyn siyaasadaha is diidan.

Falalka amni darro sida dilalka qorsheysan iyo weerarada ayaa kusoo badanaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana inta badan falalkaas mas’uuliyadooda sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab.