WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dhul-gariir ka dhacay Magaalo ka tirsan Masar

By xuseen waashitoon

March 05, 2022

Machadka Qaranka Masar ee Cilmi-baarista Xiddigiska Masar ayaa sheegay in ay 2 Dhul-gariir ka dhaceen Deegaan 40 KM dhanka W/Bari kaga toosan Magaaladda Dahab ee dalkaasi.

Bayaan ka baxay Machadkaasi ayaa waxaa lagu sheegay inuu Dhul-gariirka Kkoowaad uu dhacay abaarihii 6dii iyo 45 daqiiqo oo shalay oo Jimco aheyd. Dhul-gariirkaasi waxa uu halbeegiisu dhamaa 3.49 Rector Scale, lamana soo werinin wax khasaare oo uu geystay.

Bayaanka ayaa waxaa kaloo lagu xusay inuu Dhul-gariir labaad ka dhacay, isla Deegaankii hore saacadu markay ahayd 7-dii iyo 23 daqiiqo ee xilliga dalka Masar.

Halbeegiisu dhul ruxankaasi waxaa la sheegay inuu dhamaa 3.58 Rector Scale.  Lama soo werinin khasaare ka dhashay Dhul-gariirkaasi.