WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalo culus oo ka socda Suudaan & xaalada kacsan

By xuseen waashitoon

April 15, 2023

Magaalada Khartuum ee ee caasimadda dalka Suudaan ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Milateriga iyo kuwa Gurmadka Dag-daga ah, dagaalka oo ah mid xooggan ayaa bilowday arroortii hore ee Maanta oo sabti ah.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warrameysa in dagaalka haatan uu ka socdo aaga Madaxtooyada iyo Garoonka diyaaradaha, isla markaana waxaa la maqlayaa dhawaqa hubka culus, sidoo kalena waxaa hawada laga arkayaa uuro madow oo cirka shareertay.

Labada dhinac ayaa mid kasta kan kale ku eedeynaya dagaalka.

Dhinaca kale Labo diyaaradood oo ay kala leeyihiin shirkaddaha duulimaadyada Sacuudiga iyo Suudaan ee “Saudi Airlines iyo Sun Air” ayaa ku gubtey Garoonka Khartuum, ka gadaal markii la duqeeyay. Lama soo warin khasaaro nafeed.

Xoogaga hubeysan ee RSF ayaa horey u sheegtay in ay la wareegeen gacan-ku-haynta Garoonka diyaaradaha iyo qasriga madaxtooyadda, xaaladda ah mid kacsan, iyadoona dadka ay bilaabeen inay guryahooda ka cararaan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Saraakiisha hoggaamineysa labada Ciidan ay isku khilaafeen hanaanka loo mideynayo Ciidamada Awoodana loogu wareejinayo Shacabka.