Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacay iska horimaad sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Iska horimaadka oo dhax maray ciidamada ammaanka maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka dhacay barxada magaalada Garawe, xilli halkaasi soo dhaweyn loogu sameenayay mid kamid ah Yuutuubarada Soomaalida ah.
Inta la xaqiijiyay isku dhaca ka dhacay magaalada Garawe waxaa ku geeriyooday hal qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo labo kamid ah shacab ahaayeen , halka kan kalana uu ahaa askari katirsan ciidamada Puntland.
Dadkii oo dhaweynta u sameyn lahaa ninkan baraha bulshada caanka ka ah ayaa goobta ku kala cararay, waxaana magaalada Garawe soo maray daqiiqado xasillooni darro iyo kala carar ah oo shacabka la kulmen.
Ninkan maanta lagu soo dhaweenayay magaalada Garawe oo lagu magacaabo Kabtan Ayuun ayaa marar badan diinta Islaamka ugu gefay, waxa uuna ninkan siyaasad ahaan taageersan yahay madaxweynaha Deni ee waqtigiisu dhammaadka yahay.