WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus dib uga qarxay Magaalada Laascaanood

By xuseen waashitoon

February 20, 2023

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa xalay illaa saakay ka socday dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka iyo ciidamada Maamulka Somaliland oo isku dayay inay xoog kusoo galaan magaalada, balse laga hortegay.

Ciidanka deegaanka ayaa si adag isaga difaacay ciidanka Maamulka Somaliland, kuwaasi oo soo qaaday weerarkii ugu cuslaa ee ku doonayeen inay gudaha ugu soo galaan Laascaanood, waxaana dhacay dagaal xooggan oo la  isku adeegsaday hubka waaweyn.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay, in kastoo aan si rasmi  ah loo ogeyn khasaaraha inta uu la egyahay, dhan kale ciidanka Somaliland ayaa weli sii wada duqeymaha aan kala joogsiga laheyn ay ku garaacayan guryaha.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay.