WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dad shacab oo Muqdisho ku qabtay Rag dil geystay

By xuseen waashitoon

October 20, 2022

Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa agagaarka kaawada Kabasiini ee Waaxda Nagayle ee degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska.

Dad shacab ah oo ka careysan dilka loo geystay Askariga ka tirsanaa dowladda ayaa gacanta kusoo dhigay laba Nin oo dilka u geystay Askariga, sida uu warbaahinta Muqdisho u sheegay Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dad shacab ah ay gacanta ku dhigeen labada ruux ee dishay Askariga, xilli ay doonayeen inay goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsadaan.

Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in falkaan lagu khaarijiyey Askariga Booliska ka tirsanaa uu ka dhacay agagaarka kaawada Kabasiini ee Waaxda Nagayle ee degmada Kaaraan, isla markaana halkaas lagu qabtay labada nin ee dilka geysatay.

Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa tilmaamay in labada nin markii la qabtay ay wateen hubkii ay ku dileen askariga “Labada Nin ayaa waxaa la wareegay ciidanka ammaanka, ayaga iyo hubkii ay wateen, waxaana la horgay doonaa Maxkamada xukunkooda awooda u leh, Ilaahay idiinkii,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.