WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka DF oo Al-shabaab kala wareegay degaano hor leh

By xuseen waashitoon

February 16, 2023

Warrarka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab kala wareegeen deegaannada Inji iyo Afcad ee hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay wakaaaladda wararka ee SONNA.

SONNA ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalka ayaa lagu dilay  dagaalyahano Al-Shabaab oo u qaabilsana uruurinta lacagta dadka, waa sida hadalka loo dhigay, dagaalka socday saacado dhowr ah ayaa la tilmaamay inuu ka dhacay deegaannada.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada xoogga ayaa laga soo xigtay in  haatan ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan deegaannada Inji iyo Afcad ee hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaannada ayaa waday maalmahaan howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana Shabaabka looga qabsaday degaano farabadan oo ay kaga sugnaayeen Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug.