WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda oo lagu Qarxiyey Muqdisho

By xuseen waashitoon

November 03, 2022

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa waxaa Maanta qarax miino dhulka lagu aasay lagula beegsaday gudaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaan Ceelka Ifis ee laamiga Dayniile hareerihiisa kuyaalla.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay soo sheegeen in qaraxu dhacay ku dhaawacmeen labo wiil oo shacab ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay, sidoo kale jiraan dad kale oo dhaawacyo qaba oo hortiis la qaaday.

Ciidankii saarnaa gaariga la qarxiyay ayaa dhankooda rasaas culus furay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo isugu jira milatari iyo booliis kuwaa oo baaris kuwada qaraxa dhacay iyo ciddii ka dambeesay.

Laamiga Dayniile ayaa marar badan waxa ka dhacay qaraxyo nuuca miinada ah oo khasaaro kala duwan kasoo gaareen dad shacab ah, waxaana qaraxii ugu dambeeyay ee laamigaasi ka dhacay lagu dilay masuul katirsanaa maamulka degmada Dayniile.