WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Booliska Somaliland oo qabtay Dil ka geystay Hargeysa

By xuseen waashitoon

November 26, 2022

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay Nin habeen hore fal dil ah ka geystay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadib howlgalo magaaladaas  ka sameeyeen ciidamada Booliska Maamulka.

Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in Ninka falka geystay oo lagu magacaabo Faarax Cabdi uu dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Jimcaale Rashiid Xasan, waxaana lagu dhex dilay gudaha hotelka Niil ee Hargeysa.

Booliska ayaa tilmaamay in Faarax Cabdi uu dilka u adeegsaday Tooreey ama middi oo uu qoorta kaga dhuftay Jimcaale Rashiid Xasan oo durbadiiba goobta ku geeriyooday, waxaana marxuumka da’diisa aheyd 25-sanno jir.

Laamaha amaanka ee maamulka Somaliland ayaa ku goodiyay iney talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan cid kasta oo dil geysata, iyagoo sheegay in kiiskan uu cadaalada wajihi doono.

Si kastaba laamaha ammaanka Somaliland ayaa dhowr jeer oo horey waxaa ay sidaan oo kale gacanta ugu soo dhigeen rag falal dil ah ka geystay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulkaas.