WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday degaan muhiim ah

By xuseen waashitoon

January 06, 2023

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka waxaa ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen deegaanka Hilowle-gaab ee hoostega degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan laga qabsaday Al-shabaab.

Weerarka kadib, ayaa waxaa deegaanka Hilowle-gaab ka bilowday dagaal culusĀ  oo dhexmaraya ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah iyo Al-shabaabkii weerarka qaaday, hubka culus ayaana la isku adeegsanayaan dagaalka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalka oo weli socda, isla markaana dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha jira, maadaama Isgaarsiintii deegaanka hawada ay ka maqan tahay.

Dad ku sugan tuulo ku dhow Hilowle-gaab ayaa ku warramay in Al-shabaab ay dhowr jiho kasoo weerareen deegaankaas oo kamid ah deegaanadii ugu danbeeyay ay qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda,

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay weerar xooggan ku qaadeen degaanka Hilowle-gaab oo hoostega degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayna la wareegeen Saldhigii deegaanka.