Xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada Galmudug oo ay weheliyaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qeynta 21-aad ayaa isku hor fadhiya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud
Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saddex jiho ka fadhiya Guriceel halka xoogagga Ahlusunna weli ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada
Ciidanka Ahlusunna ayaa sida wararku sheegayaan xalay dhaq dhaqaaqyo xooggan ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Guriceel halkaas oo ay difaacyo adag ka dhigteen, waxaana saakay oo Talaado ah xaalada ay tahay mid kacsan.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Magaalasa Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ka barakacay dad farabadan, kadib markii ay korortay xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna.
Cabsi xoogan ayaa laga qabaa inuu dagaal culus ka dhe qarxo Ciidanka dowladda, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan, iyadoo la arkayo Ciidamo wata gaadiidka nooca dagaalka.