Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Weerar lagu le’day oo ka dhacday Galmudug iyo xog la helay

Gelinkii dambe ee Maanta kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa lagu weeraray Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanballe, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Ciidamadaan oo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa ka baxay Xerada tababarka Xoosh ee degmada guriceel, hayeeshee maleeshiyaad hubeysan ay rasaaseeyeen, xilli ay marayeen deeganka cagfaroge oo u dhexeeya Guriceel iyo Ballanballe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 4 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, halka saddex lagu dhaawacay weerarkii lagu qaaday, waxaana Meydadka iyo dhaawacyada la geeyay Dhuusamareeb.

Sidoo kale dadka ayaa tilmaamay in Askarta la dilay ay qaarkood yihiin Saraakiil Ciidan oo la socday kolonyada oo kusii jeeday degmada Balanballe, isla markaana waxaa falkaas uu ahaa mid la xiriiray aano qaabil.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in raggii hubeysnaa ee falka ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen, kuwaasi oo u baxsaday deegaano howd ah oo ku yaalla Gobolka Galgaduud, waxaana socda howgal lagu soo qabanayo raggaas.

Saraakiisha qeybta 21aad ee Millateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamulka Galmudug ayaa weli kama hadlin weerarkaas khasaaraha geystay ee galabdhicii Maanta dhacay.

Exit mobile version