HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Soomaliland oo Ciidamo badan soo dhigtay Xaafadaha Laascaanood.

Laascaanood (HM) – Wararka laga helayo gudaha Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in maamulka Somaliland ay maanta ciidamo dheeraad ah ay dhigeen jidadka magaalada Laascaanood, kuwaas oo ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo cusub.

Ciidamada oo isugu jiray boolis iyo milatari ayaa waxaa lagu arkayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-bax laga cabsi qabo inuu ka dhacayo Laascaanood, kaas oo looga soo horjeedo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee dib uga bilowday dalka jamhuuriyada Jabuuti.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu ay xidh-xidheen qaar ka mid ah dadkii abaabulayey dibadbaxaaasi.

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa maanta kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay isku dhacaan shacabka iyo ciidamada maamulka gobolka Sool ee Somaliland uu dhigay halkaasi.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Horufadhi News kala soco.

Exit mobile version