HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay shirka nabadeynta ee ka socda Degmada Saaxdheer ee G. Sool-Akhriso

Laascaanood (HM)-Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC ayaa maanta kusugan degmadda Saaxdheer ee galbeedka gobalka Sool, halkas oo heshiis nabdeed loogu kala saxiixi doono labadii beelood eee dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay agagaarka Magaalada Buuhoodle gaar ahaan deegaanka Horufadhi.

Isimadda dhaqanka ayaa ku guuleystay in xal nabdeed lagu dhameeyo colaada beelahan walaalaha ah, waxaana arrintan dadaal dheeri ah galiyey Garaad Jamac Garaad Cali iyo Isimadda dhaqanka ee kale oo uu ugu horeeyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan.

Gogoshan heshiiska lagu gaadhay, waxaa lafilaya in ay kasoo qeybgalan maanta wafdi kasocda dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo ay ku jiraan wasiiro iyo Taliyayal ciidan, waxaana lagu saxiixi doona madasha heshiiska.

Maleeshiyada labada dhinac ayaa horey loo kala qaaday, waxaana hadda laga shaqeynayan sidii xal waara loo gaadhi lahaa oo ay dhinacyadu garowsadeen isla markaana sidaasi lagu soo gaba gabeeyo colaada dabada dheeraatay ee deegaanka.

Isimadda dhaqanka, Cuqaasha labada beelood iyo qaybaha bulshada ee ka qayb galayaasha ka ah gogasha nabadeed ayaa isla qiray isla markaana garwaaqsaday Qiimaha ay nabaddu leedahay, waxayna ka heshiiyeen in wixii dhacay laga gudbo lana abuuro jawi daganansho ah, wax kastana laga hormariyo nabadgalyadda taas oo muhiim u ah dadka oo dhan.

Horufadhi kala soco wixii kasoo kordha.

Exit mobile version