WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga ee ka socda Muqdisho

By xuseen waashitoon

January 05, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Arbaco ah galaya maalintii saddexaad oo xiriir ah, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda..

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shalay kulamo la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta, iyagoona kala hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Maanta sii amba qaadi doona doodo kala duwan oo ay ka yeelanayaan ajendayaasha horyaalla Shirkooda oo ay ugu weyn yihiin Arrimaha amniga dalka iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.