WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Qarax lala eegtay Saraakiil ka tirsan Dowladda

By Xuseen Post

August 15, 2021

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka la geliyo ah ee laga hago meelaha fog-fog oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Dad deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa lala eegtay gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, xili ay wadada marayeen, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Al-shabaab oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegtay in qaraxa ay beegsadeen Saraakiil kamid ah Nabadsugida dowladda iyo Askar ilaalo u ahaa.

Shabaabka ayaa xusay in qaraxa ay ku dhaawacmeen Taliye ku-xigeenka Nabad sugidda Gobolka Hiiraan oo magaciisa ku sheegeen Cabdi Suuleey iyo 4 Askari oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda, waa sida hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan qaraxa khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas iyo in dad lagu qabtay howlgal laga fuliyay Magaalada.