Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino nooca dhulka la geliyo ah oo gabal-dhicii Maanta ka dhacay gudaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Dadka deegeenka qaarkood ayaa waxaa ku warrameen in qaraxa uu sigaar ah uga dhacay Maqaayad laga cabo shaaha oo ku taalla bartamaha degmada, waxaana mar qura la maqlay jugta qaraxa dhacay oo ahaa miino.
Khasaaro dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana goobta ku dhaawacmay saddex qof oo shacab ah oo mid ay tahay haweeneyda Maqaayada ka shaqeyneysay, iyadoo dadkaas la geeyay Xarun Caafimaad.
Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan degmada ayaa Caawa howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka wada Doolow, isla markaana waxaa maqribkii hawada laga saaray Isgaarsiinta, balse dib ayey soo laabatay Isgaarsiinta degmada.
Maqaayada la qarxiyey ee ku taalla bartamaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay fariisan jireen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne kale oo goobta ku caweeya.