Qarax geystay khasaaro ayaa fiidnimadii hore ee xalay ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Taleex ee degmadaas, waxaana jugtiisa laga maqlay degmooyinka qaar ee Gobolka.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aasay, isla markaana lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo marayay wadada.
Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaaan ka badbaaday Ciidankii lala eegtay qaraxa oo saarnaa gaari nooca aan xabbadan karin ee loo yaqaano Bulaf Proof.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd tegay goobta qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa aaga.
Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca qaraxyo Is-miidaamin ah iyo kuwo nooca dhulka lagu aaso ee miinooyinka, waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.