WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay Muqdisho

By Xuseen Post

December 13, 2020

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay Nin Odey ahaa ku dilay qeyb kamid ah degmadan Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in falkaas lagu dilay Odeyga uu ka dhacay meel ku dhow daarta Seeybinaayo ee Hodan, isla markaana Askariga uu rasaas dhowr ah ku furay Mooto Bajaaj uu la socday Ninka, xili uu mararyay halkaas.

Rasaasta ayaa Odeyga ka haleeshay qeybaha sare ee jirka isagoo u geeriyooday rasaastii ku dhacday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Darawalkii waday Mooto Bajaajta xabadda lagu furay, kaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Muxumad Cismaan Cagey Bidaar, isla markaana waxaa goobta uu falku ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday Askarigii ka tirsnaa Ciidanka Booliska ee falkaas geystay.

Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mararka qaarkood si bareer ah shacabka ugu dila gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana horey Caasimadda loogu dilay dad shacab ah iyo Darawalo ka shaqeysan, loona dilay sababo kala dwuan.