WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Meyd lagu arkay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

December 07, 2021

Waxaa saakay xaafada Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir lagu arkay Meydka nin la dilay oo xirnaa dareeska ay caanka ku yihiin ciidanka milatariga Soomaaliya  .

Dadka deegaanka ayaana saakay arkay meydka askarigan oo yaala wado ku taala xaafada Kurdamac, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in askariga goobtaasi lagu dilay xalay xili dambe loogana tagay.

Meydka askariga la dilay lagana qaatay qoraygii uu watay ayaa ilaa hada yaala goobtii lagu dilay, mana jiraan ilaa hada cid aqoonsatay shaqsiyada ruuxaasi lagu dilay xaafada katirsan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo ciidamada ammaanka oo gaaray goobta meydka yaalo ayaa wada baaritaano ku aadan dilka iyo sidoo loo aqoonsan lahaa ruuxaasi la dilay.