Garoowe (HM)-Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay dagaal iyo israsaaseyn xoogan oo caawa ka dhacday xarunta Baarlamanka maamulka Puntland ee magaalada Garoowe.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo amar ka heysta madaxtooyada Puntland ay soo weerareen dhismaha golaha wakiilada maamul gobaleedka Puntland si ay ula wareegaan, waxaana iska caabin adag kala hor yimid ciidamo ilaalo ka hayey xaruntaas .
Ganacsade Cabdikariin Maxamed Dhagawayne oo ka tirsan ganacsatada caanka ah ee Puntland ayaa la xaqiijiyey inuu u geeryooday dhaawac ka soo gaadhay rasaasta caawa la isku weydaarsaday Xarunta Baarlamaanka Puntland oo ah goob ammaankeeda la adkeeyo.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Nugaal ayaa sheegay in lagu bilaabay rasaas xili isaga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ay xarunta Baarlamanka u tageen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen ciidamo uu ku tilmaamay maleeshiyo siyaado ku ah xaruntaas.
Hase ahaatee Ilo ka madax banaan Taliyaha ayaa tilmaamaya in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay weerar toos ah ku qaadeen xarunta Baarlamanka si ay ula wareegan, balse ay iska caabin kala kulmeen ciidamo ku sugnaa xaruntaas.
Taliyaha Qaybta ee Gobalka Nugaal ayaa sheegay in hal askari dhinacooda kaga dhintay is rasaaseynta laba kalana dhaawacyo ka soo gaareen.
Dhinaca Ciidamada Baarlamaanka difaacayey ayey wararku sheegayaan inuu iyana ka geeriyooday askari magaciisa lagu sheegay Axmed Cawil, waxaana weli kacsan xaalada magaalada Garoowe.
Iska horimaadka dhimashada iyo dhaawaca dhaliyey ee caawa ka dhacay magaalada Garoowe ayaa ku soo beegmay xili khilaaf xoogan uu u dhexeeyo Madaxweynaha maamulka isku cimaamaday Hooyada Federaalka Soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni iyo gudoomiyaha Baarlamanka maamulkaas ninka lagu naaneyso (Dhoobo-daareed) xildhibaano taageersan madaxweyne Deni ayaa diyaariyey mooshin xilka looga qaadayo gudoomiyaha Baarlamanka Dhoobo-daareed.
Xaalada Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland ayaa caawa kacsan waxaana la arkayaa in Ciidamadii dagaalamay ay isku dalbanayaan gurmad xoogan, ilaa hada ma jirto cid ka hadashay xasarada ka taagan caasimada maamulka Puntland, Shacabka Garoowe oo iyagu ahaa kuwo 20kii sano ee lasoo dhaafay nabad ku naaloonayey ayaa caawa ku sugan xaalad argagax ah oo aysan fileyn, waxaana goor kasta la filan karaa dagaal culus hadaan xaalada wax laga qaban.
Horufadhi News