Buuhoodle ( HM ) Waxaa shalay Magaalada Horufadhi lagu soo dhoweeyay Wafdi uu Hogaaminayo Garaadka Guud ee Beelaha SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali, oo Halkan usoo gaadhay sidii Xal Waara looga gaadhi lahaa Colaad kasoo Cusboonsaatay deegaano ka tirsan Gobolka Cayn, Waxaana Garaadka iyo Wafdigiisu ay maalintii shalay ku sugnaayeen magaalada Ceegaag.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay inay Ceegaan kulan kula soo qaateen waxgaradka Qaybaha kala duwna ee Bulshada, hadana ay Halkan u yimaadeen Arimaha Nabadaynta Qaybtooda hore ee Wacyi gelinta.
“Waxaanu ka codsanaynaa islaamka na dhagaysan doona inay noogu soo duceeyaan, in Alle Howsha nagu Asturo, iyo in walaalaha uu Alle nabad siiyo”. Ayuu yidhi Garaadka.
Dhankeeda Hooyo Aamina aadan ayaa Suugaan ku Cabirtay Xaalada Iyo Murugada ay leedahay Marka ay Wiilkaaga iyo Abtiyaashii isdilaan “ Kaan dhaliyo, Kii na dhalay baan dhex taaganahay, oo Dhiig Baxoodaa Dhulkuba nala Wareegayaa, Maxaad kala haystaan oo u heegantiin, Maxaad u hurtiin Naftiina oo hadeer Hesheen, Allow Hagar iyo Hayaag maanta noo Hadee, Habaari maynee Allow maanta Noo Hadeer.
Xigasho: Kalshaale.com