WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dil khaarijin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

November 13, 2021

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan koox hubeysan oo gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshada Caanaha ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Askariga ka tirsan kuwa Taraafikada ee dowladda Federaalka ee xili uu ku sugnaa Warshada Caanaha.

Dadkii ka dambeeyay dilka Askariga ayaa goobta si deg deg ah uga cararay, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas tegay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qaaday Meydka Askariga la dilay.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmahan kusoo badnayey dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan kooxaha ku hubeysan Bastooladaha, waxaana maalin kahor degmada Hodan lagu dilay Haweeney ka tirsaneyd Ciidanka dowladda.