WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka…

By Xuseen Post

March 30, 2021

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo saakay duleedka degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Sarkaalka ayaa waxaa la sheegay in la toogtay, xili uu ku sugnaa duleedka Xudur, ayan dileen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad, isagoona u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka uga dhacday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, iyagoona qaaday Meydka Sarkaalka, waxaaan halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka.

Al-shabaab warar ay ku faafiyeen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay sheegteen Mas’uuliyada dilka, iyagoona tilmaamay inay dileen Sarkaal lagu magacaabi jiray Yuusuf Shig-shigoow.

Shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in Sarkaalka uu ahaa duwihii Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ee Koonfur Galbeed.