Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay degaan ka tirsan Gedo

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qof shacab ah oo habeenkii xalay si bareer ah loou dilay deegaan ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Rag hubeysan bastoolad ayaa Nin shacab ah ku dilay deegaan lagu magacaabo Gabooley oo hoostega degmada Luuq ee Gedo, isla markaana lagu dhuftay rasaas dhowr ah  oo uga dhacday qeybaha jira, isagoo halkaas ku dhintay.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada howlgalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu soo qabto gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay falkaas oo goobta baxsaday, falka kadib.

Dilal qorsheysan oo loog geystay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka iyo dad shacab ah ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana inta badan dilalkaas sheegtay Al-shabaab.

Exit mobile version