WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka socda deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

By xuseen waashitoon

June 14, 2022

Dagaalka oo u dhaxeeya Koox maleeshiyaad ah iyo Ciidamo uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeeenka Amniga degmada Matabaan oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka socda degaanka Qorbosh oo hoostaga drgmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada uu wato Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada Matabaan Ducaale aadan Cabdi.

Inta uu socday dagaaalka xoogan ee dhinacyada ayaa waxaa la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, dadka deegaanka ayaa soo weriyey inuu dagaalka weli ka socdo degaanka Qorbosh.

Ciidamada la weeraray ayaa ahaa kuwa dhawaan weerarka ku qaaday deegaanka Bacda oo Al-Shabaab saldhig Cusub ka sameeysteen, waxaana dagaalka Maanta ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.