Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dagaal beeleed dhaliyay falal argagax leh oo ka soconaya koonfurta Soomaaliya-Warbixin

 Muqdisho (HM)-Dagaalkan oo u dhaxeeya laba beelood oo wada dega degmada Walaweeyn ee gobolka Shabelada Hoose ayaa keenay saameeyn aan wanaagsaneeyn kadib markii dad lagubay kuwana lagowracay islamarkaana guryo badan dab laqabadsiiiyay.

Dagaalkan oo aay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 20 qof, kuna dhaawacmeen 30 kale, balse dhacdooyinka argagaxa leh ee laga wariyay dagaalka ayaa ah in aabo iyo caruurtisa oo lagu weeraray guri aay daganayeen islamarkaana dhamaantood lagu laayay.

Dagaalka oo ka biloowday degmada Wanlaweyn ayaa ku fiday deeganada u dhadhaw, waxaana lasheegayaa inuu saameeyay ilaa 5 tuulo oo hoostagta degmada, dadka deegaanka ayaa sheegaya inaay jiraan guryo badan oo dab laqabadsiiyay.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay qof lagubayo, waxaana aay dadka ku beertay argagax badan maadaama aay tahay arin kucusub dagaalada kadhaca Somaaliya. Waxaana arinkaas si weeyn uga hadlay bulshada Somaliyeed ee isticmaasha baraha bulshada oo sheegay inaay tahay fal kabaxsan bani’aadanimada.
Gudoomiyaha degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabelada Hoose Maxamed Sidoow ayaa sheegay inaay ku howlanyihiin sidii loo xalin lahaa dagaalkan, wuxuuna sheegay inay garab badan ka rabaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka labada beelood si xal rasmi ah loo gaaro.
“Waxaan lakulanay labada dhinac ee dagaalamay waxaan biloownay wada xaajood aan dagaalka ku xalineeyno runtii ma ahan howl fudud laakiin waxaan rajeeynaa in Alle nagu guuleeyo, waxgaradka labada dhinac waxaan ka codsaneeynaa inaay nagala shaqeeyaan sidii aan colaadan u joojin lahaayn. Dagaalkan wuxuu ka bilowday isbaaro aay dhigteen maleeshiyada mid kamid ah beelaha, laakiin arinka foosha xun wuxuu ahaa markii 8 qof hal meel lagu dilay iyo in dab laqabsiiyo, aad ayaan uga xunahay falalka dhacay” ayuu yiri gudoomiye Siidoow.
Maamulka degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabelada Hoose ayaa ugu dambeeyn ka codsaday dowlada Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed inaay ka caawiyaan sidii loosoo afjari lahaa dagaaladan oo yeelanaya saameeyn aan wanaagsaneeyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-gobeeldka Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) sida deg-degga ah ee ay ugu baxeen, una kala dhex galeen malayshiyo beeleedyada dagaallamayey, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo.”

Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay.

Ugu dambeyn Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, waxa uuna Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay.

WARARKA

Exit mobile version